R/Wasaare Cusub oo Ciraaq looga dhawaaqay iyo Shacabka oo diiday.

Sunday February 02, 2020 - 11:42:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Cusub oo Ciraaq looga dhawaaqay iyo Shacabka oo diiday.

    Dibad baxyo ballaaran ayaa dib uga qarxay wadanka Ciraaq saacado kadib markii lamagacaabay R/wasaare cusub oo ay yeelanayso xukuumadda shiicadu ku badantahay ee ka jirta magaalada Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo ballaaran ayaa dib uga qarxay wadanka Ciraaq saacado kadib markii lamagacaabay R/wasaare cusub oo ay yeelanayso xukuumadda shiicadu ku badantahay ee ka jirta magaalada Baqdaad.


Madaxweynaha Ciraaq ayaa R/wasaare umagacaabay Max'med Towfiiq Callaawi oo horay usoo noqday wasiir iyo agaasime, ninkan lamagacaabay oo ah Shiici Raafidi ah waxay isku dhowyihiin Haadi Al Caamiri oo hoggaamiye maleeshiyaadka Xashidiga loo yaqaan.

Saacado kadib markii lamagacaabay ayay iskasoo baxyo waaweyn ka bilaawdeen Koonfurta Ciraaq iyo magaalada caasimadda ah ee Baqdaad, ragga hoggaaminaya kacdoonka ayaa sheegay in siyaasiga R/wasaaraha cusub loo magacaabay aan la aqbali karin sababa laxiriira isagoo kamid ah faasidiintii boobay dhaqaalaha wadanka.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items