Maamulka 'Galmudug' oo yeeshay Madaxweynihii Sedaxaad.

Sunday February 02, 2020 - 12:16:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Galmudug' oo yeeshay Madaxweynihii Sedaxaad.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne cusub u magacaawday maamulka 'Galmudug' ee fadhigiisu yahay deegaanno katirsan gobollada Mudug iyo Gaguduud bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne cusub u magacaawday maamulka 'Galmudug' ee fadhigiisu yahay deegaanno katirsan gobollada Mudug iyo Gaguduud bartamaha Soomaaliya.


Kulan ka dhacay xarun kutaal magaalada Dhuusamareeb oo ay isugu yimideen siyaasiyiin taageersan dowladda Federaalka ayaa lagu iclaamiyay in madaxweynaha cusub ee maamulka 'Galmudug' loo doortay Axmed Cabdi Kaariye oo Qooqoor ku magac dheer.

Max'med Nuur Gacal oo ku magacaaban guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Qooqoor uu yahay madaxweynaha Galmudug garabka dowladda Federaalka.

Waa madaxweynihii Sedaxaad oo uu yeesho maamulkan fadhiiska ah waxaase xusid mudan in magaalada Dhuusamareeb ay isla joogaan laba madaxweyne oo kala taageersan Kooxaha Suufida iyo dowladda Farmaajo.


Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna sheegta madaxweynaha maamulka 'Galmudug' xiisado siyaasadeed ayaa lagasoo sheegayaa qaar kamid ah magaalooyinka ku teedsan wadada laamiga ah ee Galguduud.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items