Mareykanka iyo IGAD oo taageeray Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Garabka dowladda Federaalka.

Sunday February 02, 2020 - 21:37:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka iyo IGAD oo taageeray Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Garabka dowladda Federaalka.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa soo dhowaysay doorashadii halka dhinaca aheyd ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa soo dhowaysay doorashadii halka dhinaca aheyd ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.


Safaaradda Mareykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamota ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyay qaabkii loo doortay Axmed Qoorqoor oo ah musharrax ay wadatay dowladda Farmaajo.

"Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran, Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed oo ka fogaado qalalaase. hambalyo Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Qoor Qoor. Hadda waa in aan diirada saarno mudnaanta koowaad ee Amniga Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.


Maamulka Trump uu xasuuq aan xisaab laheyn ku haya shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero indha la'aan ah siinaya Farmaajo iyo Kheyre, dhinaca kale Ururka IGAD ayaa isna muujiyay sida uu ula dhacsanyahay hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Siyaasiyiinta mucaaradsan DF-ka ayaa doorashadan ku tilmaamay mid fowdo ah waxaana xusid mudan in maamulka 'Galmudug' uu leeyahay illaa sedax madaxweyne oo dhammaantood ku kala sugan Mudug iyo Galguduud.

Related Items