Saciid Deni oo dowladda Federaalka ku tilmaamay "Dowlad Jirran" [Video].

Monday February 03, 2020 - 11:21:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo dowladda Federaalka ku tilmaamay "Dowlad Jirran" [Video].

    Madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa dhaliil xooggan ujeediyay dowladda Farmaajo isagoona ammaan kala duldhacay dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa dhaliil xooggan ujeediyay dowladda Farmaajo isagoona ammaan kala duldhacay dowladda Kenya.

Saciid Deni oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa dowladda Federaalka ku sheegay mid jirran isagoo aad udhaliilay siyaasadda ay Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo wax ku maamulayaan.

Hoggaamiyaha 'Puntland' ayaa dowladda gummeysiga Kenya oo la ogyahay dhibaatada ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ku sifeeyay midda kaliya ee Soomaali midayn karta.

Deni ayaan xisaabta ku darsan in Kenya ay tahay dowladda mas'uulka ka ah dhibaatada ka jirta dhulka NFD islamarkaana ciidamadeedu xasuuq ka wadaan gobollada Gedo iyo Jubbada dhexe.


Khilaafka udhaxeeya hoggaamiyaasha maamul gobolleedyada iyo dowladda Federaalka ayaa sababay in dowladaha duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya ay lakala saftaan dhinacyada dabadhilifyada u ah.

Hoos Ka Daawo Deni oo dhaliilaya dowladda Federaalka


Related Items