Qaraxyo ciidamo lala beegsaday oo ka dhacay Banadir iyo Sh/dhexe.

Monday February 03, 2020 - 14:28:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ciidamo lala beegsaday oo ka dhacay Banadir iyo Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.


laba qarax oo xalay ka dhacay xaafadaha Ex.Control Afgooye iyo Suuqa xoolaha ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan sedax askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in qarax lagu beegsaday ciidamo katirsan AMISOM xilli ay ku lugaynayeen gudaha deegaanka.

Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada shisheeye kasoo gaaray qaraxii maanta


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items