Madaxweyne hore oo runta ka sheegay damaca Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya oo dhintay.

Tuesday February 04, 2020 - 08:52:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne hore oo runta ka sheegay damaca Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya oo dhintay.

    Dowladda Kenya ayaa iclaamisay in uu dhintay mid kamida madaxweynayaashii ugu waqtiga dheeraa ee wadankaas oo xukumay, Uhuru Kenyaatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay geerida Daniel Toroitich Arap Moi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa iclaamisay in uu dhintay mid kamida madaxweynayaashii ugu waqtiga dheeraa ee wadankaas oo xukumay, Uhuru Kenyaatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay geerida Daniel Toroitich Arap Moi.


Hoggaamiyahan halaagsamay ayaa Kenya madaxweyne u ahaa muddo 24 sanadood xiriir ah wuxuuna xilka ka degay sanaddii 2002, xaaladda caafimaad ee Arap Moi ayaa sanadadii dambe aad uliidatay.

Wiil uu dhalay madaxweynaha dhintay ayaa xaqiijiyay in aabihiis uu saaka aroortii hore ku geeriyooday isbitaal kuyaal magaaada Nairobi, Daniel Toroitich Arap Moi ayaa 95 sana jir ahaa wuxuuna dhashay sanaddii 1924.

Hadallada lagu xusuusto madaxweynihii Kenya ee dhintay waxaa kamid ahaa in uu toban sano ka hor shaaciyay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya aysan marnaba doonayn in Soomaaliya ay yeelato dowlad awood leh.



Related Items