Wasiirka ammaanka maamulka 'Jubbaland' oo abaabul ka wada Beled Xaawo.

Tuesday February 04, 2020 - 14:15:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka ammaanka maamulka 'Jubbaland' oo abaabul ka wada Beled Xaawo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka aloosanyihiin degmooyinka kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay Kernya iyo Itoobiya la wadaagaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka aloosanyihiin degmooyinka kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay Kernya iyo Itoobiya la wadaagaan Soomaaliya.


Cabdi Rashiid Janan oo ku magacaaban wasiirka amniga maamulka 'Jubbaland' ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Beled Xaawo ee kaabiga ku haysa degmada Mandheera.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in diyaarad khaas ah oo dowladda Kenya ay leedahay ay Janan ku dajisay Beled Xaawo wuxuuna halkaas kulamo kula leeyihiin saraakiil maleeshiyaad isaga daacad u ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in boqolaal ciidamo ah oo dowladda Federaalka ay diyaarado ku geysay degmooyinka Luuq iyo Dooloow ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku aadayaan dhanka Beled Xaawo iyo Ceelwaaq.


Waxaa laga cabsi qabaa in loollanka udhaxeeya maamulka 'Jubballand' iyo dowladda Federaalka uu isku bedelo mid melleteri waxayna labada dhinac hadda ciidamo ku daad guraynayaan gobolka Gedo.

Related Items