4 katirsan Ciidamada AMISOM oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Mahadaay.

Tuesday February 04, 2020 - 14:31:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 katirsan Ciidamada AMISOM oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Mahadaay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo shalay ciidamo katirsan dowladda Burundi lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo shalay ciidamo katirsan dowladda Burundi lagula beegsaday deegaan katirsan Sh/dhexe.


Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in qarax shalay aroortii hore ciidamada Burundi lagula beegsaday deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay uu sababay dhimashada 4 Askari.

Ciidamada ayay miino lakacday xilli ay roondo lug ah ku samaynayeen meel ku dhow saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Buurane, dhinaca kale war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in qaraxa lagu dilay Afar Askari.

Deegaanka Buurane ayaa qiyaastii 3Km dhanka galbeed uga beegan degmada Mahadaay mana ah markii ugu horraysay oo lagu dilo ciidamo katirsan dowladda Burundi, illaa iyo hadda wax war ah kamsoo bixin taliska AMISOM oo ku saabsan qaraxan askarta looga dilay


Related Items