Ciidamada dowladda oo lawareegay Beled Xaawo iyo C/Rashiid Janan oo Mandheera gaaray.

Wednesday February 05, 2020 - 12:39:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo lawareegay Beled Xaawo iyo C/Rashiid Janan oo Mandheera gaaray.

    dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iskasoo horjeeda ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iskasoo horjeeda ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmooyinka Beled Xaawo iyo Dooloow ayaa sheegaya in halkaas ay la wareegeen maleeshiyaad daacad u ah dowladda Farmaajo.

Dad ku sugan Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan oo diyaarado lagu geeyay Luuq ay shalay gelinkii dambe qabsadeen degmada Beled Xaawo waxaana halkaas isaga cararay Cabdi Rashiid Janan wasiirka amniga maamulka Axmed Madoobe.


Ciidamada la geeyay Beled Xaawo iyo Luuq oo ah kuwii ay tababartay dowladda Turkiga ayaa amar kusiiyay maamulladii taabacsanaa maamulka 'Jubbaland' in ay maamulka ku wareejiyaan mas'uuliyiin Muqdisho lagasoo magacaabay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Cabdi Rashiid Janan uu abaabullo ka wado degmada Mandheera ee NFD halkaas waxaa kula sugan saraakiil iyo ciidamo kala gudbay xuduud beenaadka.

Related Items