Cudurkii ka dillaacay dalka Shiinaha oo faraha ka baxay.

Wednesday February 05, 2020 - 19:18:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurkii ka dillaacay dalka Shiinaha oo faraha ka baxay.

    waxaa sii kordhay dadka udhimanaya cudurk dilaaga ah ee Corona kaas oo faraba'an ku haya malaayiin qof Shiinays ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa sii kordhay dadka udhimanaya cudurk dilaaga ah ee Corona kaas oo faraba'an ku haya malaayiin qof Shiinays ah.



Maamulayasha wadanka Shiinaha waxay sheegeen in shalay oo kaliya ay cudurka Caroona udhinteen dad gaaraya 65 qofood halka kumanaan kun oo kale uu soo ritay, gobolka huubi ayaa la sheegay in dadbadan ay shalay ku dhinteen.

Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqallo muujinaya dadka oo waddooyinka ku daadanaya iyagoo taagan isla goobtana ku qurbaxaya, wasaaradda caafimaadka Shiinaha ayaa warbixin maalmeedkeeda ku saabsan cudurka Caroona ku sheegtay in dadka uu asiibay cudurkan ay gaarayaan 24,535 qof.



Isbitaal weyn oo muddo 8 maalmood ah la dhisayay ayaa shaqada bilaabay waxaana ladhigay kumanaan qof, dowladda Hoonkoong oo daris la ah shiinaha waxay sheegtay in ay xirtay dhammaan waddooyinkii dhanka barriga ku xiri jiray shiinaha marka laga reebo laba buundo.

Illaa iyo hadda hal qof ayaa cudurka caroona ugu dhintay meel ka baxsan shiinaha wuxuuna qofkaas ku dhintay wadanka filibiin kadib markii isagoo cudurka qaba uu ka tagay magaalad wuuhaan ee shiinaha.


Related Items