DF oo Kenya ku eedaysay Faragelin siyaasadeed iyo mid Amni.

Wednesday February 05, 2020 - 19:38:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo Kenya ku eedaysay Faragelin siyaasadeed iyo mid Amni.

    Khilaaf ayaa markale soo kala dhaxgalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya kaas oo ku aaddan arrimaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ee kajira Gedo iyo Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf ayaa markale soo kala dhaxgalay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya kaas oo ku aaddan arrimaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ee kajira Gedo iyo Jubbada Hoose.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Farmaajo ayaa lagu sheegay in Kenya ay xagaldaacin siyaasadeed iyo mid amni ku hayso Soomaaliya, dowladda Federaalka ayaa Kenya ugu baaqday in ay joojiso faragelinta ay waddo.

Dowladda Federaalka marna eedaynteeda kumasoo hadal qaadin Xasuuqa ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysanayaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka balse kaliya waxay xoogga saartay taageerada Kenya ee maamulka Axmed Madoobe.


Eedaynta katimid dowladda Farmaajo ayaa salka ku hayso martigelinta Kenya ee ay ufidaysay Cabdi Rashiid Janan oo katirsan maamulka Jubbaland balse baxsad ka ah dowladda Federaalka.



FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items