Qarax gaari looga gubay ciidanka Kenya oo ka dhacay duleedka Dhoobleey.

Wednesday February 05, 2020 - 22:03:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga gubay ciidanka Kenya oo ka dhacay duleedka Dhoobleey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu weeraray ciidamada shisheeyaha Kenya ee duullaanka ku hooga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu weeraray ciidamada shisheeyaha Kenya ee duullaanka ku hooga Soomaaliya.


Qarax gaari xamuul ah looga gubay ciidamada Melletiga Kenya ee KDF ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan dhaca duleedka Dhoobleey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino wadada hareeraheeda lagu aasay ay ku qaraxday kolonyo gaadiid ah oo kasoo amba baxay dhanka Dhoobleey kunasii jeeday deegaanka Taabto ee hoos yimaad magaalada Afmadoow.

Dad xoola dhaqata ah oo ku sugan dhulka howdka ah ee qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay sheedda ka arkayeen qiic iyo Uuro Madoow oo cirka isku shareeray.


Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamada KDF uu kasoo gaaray qaraxii maanta balse illaa iyo hadda lama hayo tiro cayimadn oo laga dilay ciidamada Kenya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items