Wiil dhalinyaro Falasdiini ah oo Weerar Halyaynimo ka fuliyay Magaalada Al Qudus.

Thursday February 06, 2020 - 07:54:53 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil dhalinyaro Falasdiini ah oo Weerar Halyaynimo ka fuliyay Magaalada Al Qudus.

    Tobanaan askari Yahuud ah ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar kaligii duulino oo ruux muslim Falasdiini ah ka fuliyay gudaha magaalada Qudus ee caasimadda Falasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan askari Yahuud ah ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar kaligii duulino oo ruux muslim Falasdiini ah ka fuliyay gudaha magaalada Qudus ee caasimadda Falasdiin.


Wararka ka imaanaya Shaam ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro muslim ah uu gaari shaaximan jiirsiiyay ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa wadada David Reims ee magaalada Qudus.

Warbaahinta Yahuudda waxay sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen 12 askari, weerarkan wuxuu dhacay saaka aroortii hore  goob joogayaal ayaa sheegay in wadaha gaariga uu askarta jiirsiiyay gaarigiisa markii ay isku dayeen in ay baxsadaana uu ku eryaday gaarigiisa arrinkaas oo sababay in dhaawacyada Yahuudda ay noqdaan kuwa culus.


Dhinaca kale ciidamada Yahuudda ayaa ruux Falasdiini ah ku toogtay magaalada Janiin, weerarkaan kaligii duulnimo ayaa imaanaya maalmo yar kadib markii uu hoggaamiyaha Al Qaacidada Jaziiradda carabta uu Falasdiiniyiinta ku bogaadiyay qaadidda weerarada nuucaan oo kale ah.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items