Xoogaga Al Shabaab oo weeraray Saldhigga Booliska Kenya ee Haluuqa.

Saturday February 08, 2020 - 09:41:04 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab oo weeraray Saldhigga Booliska Kenya ee Haluuqa.

    Xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan katirsan dhulka NFD ee gummaysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan katirsan dhulka NFD ee gummaysiga kujira.


Wararka ka imaanaya deegaanka Haluuqa ee hoos taga Gaarisa ayaa sheegaya in halkaas ay Al Shabaab weerar xoog ku gal ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Booliska iyo deegaanka iyo xarumo kale.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay weerar ku ekeeyeen xarumaha booliska deegaanka Haluuqa balse ma sheegin khasaaraha gaaray ciidamada Kenya.

Dhinaca kale warbaahinta maxalliga dowladda Kenya ayaa baahisay sawirro muujinayay waxyeellada ka dhalatay weerarka, khasaaraha ayaa lagu sheegay dhaawacyo gaaray sedax askari oo boolis ah iyadoona Al Shabaab ay gubeen xarumo dowladeed.


Tan billaawgii sanaddaan 2020 ayay sare ukaceen weerarada hubeysan ee Al Shabaab ay ka fulinayso deegaanada NFD waxayna weeraradaan aad ugu xoogeysteen gobollada Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items