Dagaalyahannada Al Qaacidda oo dhulka soo dhigay diyaarada uu lahaa Booliska Nigeria.

Saturday February 08, 2020 - 10:57:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahannada Al Qaacidda oo dhulka soo dhigay diyaarada uu lahaa Booliska Nigeria.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Nigeria kasoo gaaray weerar aad u xooggan oo dagaalyahanno jihaadi ah ku qaadeen deegaan dhaca bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Nigeria kasoo gaaray weerar aad u xooggan oo dagaalyahanno jihaadi ah ku qaadeen deegaan dhaca bartamaha wadankaasi.


War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Nigeria ayaa lagu sheegay in rag hubeysan ay dagaal culus lagaleen ciidamo boolis ah waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara gaaray ciidamda Booliska.

Jamaacada Ansaarul Islaam ee taabacsan Ururka Al Qaacidda ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo ka dhacay gobolka Kaduna, qoraal kooban oo kasoo baxay Ansaarul Islaam ayay ku sheegtay in ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamada Nigeria.


Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 30 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka, intii uu dagaalku socday ayay xoogaga jihaadiga ah dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Nigeria.

Jamaacada Ansaarul Islaam Fii Bilaadi Suudaan ayaa bilihii lasoo dhaafay weeraro dhiig bixin ah ku hayay ciidamada dowladda Nigeria waxayna dagaalyahannada jamaacadan jihaadiga ah isku fidiyeen deegaanno badan oo dhaca gobolka Kaduna

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items