Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdi Rashiid Janan oo abaabul dagaal ka wada gobolka Gedo.

Saturday February 08, 2020 - 11:13:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdi Rashiid Janan oo abaabul dagaal ka wada gobolka Gedo.

    Maamulka isku magacaabay Jubbalan ayaa bilaabay olole melleteri oo uu isaga difaacayo ciidamada dowladda Farmaajo ee maalmihii lasoo dhaafay la wareegayay degmooyin katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Jubbalan ayaa bilaabay olole melleteri oo uu isaga difaacayo ciidamada dowladda Farmaajo ee maalmihii lasoo dhaafay la wareegayay degmooyin katirsan gobolka Gedo.


Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdi Rashiid Janan oo xilal sarsare ka haya maamulka Axmed Madoobe ayaa gaaray duleedka degmada Beled Xaawo iyagoo wata ciidamo aad u hubeysan.

Wasiirka amniga maamulka 'Jubbaland' iyo Maxamuud Sayid Aadan oo maleeshiyaad farabadan kula hadlay duleedka Beled Xaawo ayaa ku hanjabay in ay iska caabin doonaan wax ay ugu yeereen duullaanka Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dareemayaan abaabullo ciidan iyo dhiilla colaadeed arrimahaas oo keeni kara dagaal dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.


Cabdi Rashiid Janan ayaa taageera xooggan ka helaya melleteriga Kenya halka maleeshiyaadka dowladda Farmaajo ay taageero ka helayaan ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo markii hore siyaasad ku koobnaa ayaa hadda isku bedelay mid melleteri waxaana laga yabaa in loollankan uu sababo in Itoobiya iyo Kenya isku qabtaan awood siinta dabadhilifyadooda.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items