Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo ka dhacay magaalada Beled Xaawo.

Saturday February 08, 2020 - 11:25:29 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo ka dhacay magaalada Beled Xaawo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo maanta degmada Beled Xaawo ku dhaxmaray maleeshiyaad kala taabacsan dowladda Farmaajo iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad khasaara dhaliyay oo maanta degmada Beled Xaawo ku dhaxmaray maleeshiyaad kala taabacsan dowladda Farmaajo iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka Axmed Madoobe.


Ugu yaraan hal qof oo kamid ah dhinacyadii dagaallamay ayaa dhintay kadib markii iska hor'imaad xooggan uu maanta barqadii ka qarxay gudaha magaalada, goob joogayaal ayaa sheegay in qofka dhintay uu kamid ahaa ciidamadii taabacsanaa Cabdi Rashiid Janan.

Ciidamada dowladda Federaalka waxaa ka dhaawacmay illaa 2 askari waxaana la sheegay in mid kamida askarta dhaawacmay xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda Beled Xaawo deggantahay waxaana ku sugan ciidamada dowladda Farmaajo halka maleeshiyaadkii daacadka u ahaa Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdi Rashiid Janan ay dib ugu laabteen dhanka xuduud beenaadka.


Colaadda udhaxaysa dowladda Federaalka iyo maamulka 'Jubbaland' ayaa laga dareemayaa inta badan deegaannada xuduud beenaadka ku teedsan, illaa iyo haddana wax war ah kamasoo bixin dhinacyada dagaallamaya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items