Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Jowhar.

Saturday February 08, 2020 - 15:46:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Jowhar.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad daacad u ahaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad daacad u ahaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.


Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday goob isbaaro utiillay maleeshiyaadka dowladda meel qiyaastii 6Km ujirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku dileen 2 askari ayna ka furteen hubkii ay wateen, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in deegaankii lagu dagaallamay ay si buuxda umaamulayaan ciidamada XSHM.

Ma ahan markii ugu horraysay oo maleeshiyaadka maamulka 'Hirshabelle' weerar khasaara dhaliya lagula beegsado deegaannada dhaca duleedka magaalada Jowhar ee Sh/dhexe.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items