Sedax Sano kadib doorashadiisi Farmaajo oo usafray Addis Ababa.

Saturday February 08, 2020 - 20:40:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Sano kadib doorashadiisi Farmaajo oo usafray Addis Ababa.

    Maanta oo kale Sideedii bishii Feberaayo sanadii 2017 ayay ku beegneed markii ladoortay Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ee waqtigiisu gaba gabada sii yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo kale Sideedii bishii Feberaayo sanadii 2017 ayay ku beegneed markii ladoortay Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ee waqtigiisu gaba gabada sii yahay.


Sedax sano kadib ayuu Farmaajo maanta socdaal aan horay loosii shaacin ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, si aan horay loo arag ayaa ammaankiisa loo adkeeyay.

Ciidamada Koofiya casta iyo cutubyo katirsan AMISOM ayaa Farmaajo ka qaaday madaxtooyada waxayna sii marsiiyeen wadada hareermarta dekadda Muqdisho halkaas oo loogasii gudbiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Sababta ammaanka Farmaajo loo adkeeyay loogana weeciyay wadada Makka Al Mukarrama oo badanaa uu isticmaali jiray ayaa lagu sheegay mucaaradada siyaasadeed ee uu wajahayo iyo cabsi dhanka ammanka ah.


Saraakiil katirsan madaxtooyada ayaa warbaahinta u sheegay in Farmaajo uu Addis Ababa uga qeyb gelayo shir ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha qaaradda Afrika, madaxweynaha dowladda ayaa safaradiisi ugu badnaa ee dibadda ku aaday wadanka Itoobiya oo gummeysi dhan walba ah ku haya shacabka soomaaliyeed.


Related Items