Xasan Nuur "Al Shabaab Waxay Heysataan Fursad wanaagsan oo ay dalka Shisheeyaha uga saari karaan" Warbixin.

Friday November 07, 2014 - 17:54:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.9/5 Stars) Total Votes: 43
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Xasan Nuur "Al Shabaab Waxay Heysataan Fursad wanaagsan oo ay dalka Shisheeyaha uga saari karaan" Warbixin.

    Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bartamihii sanaddii 2011 magaalada Muqdisho uga dhawaaqday in isbedel ay ku sameysay qaab dagaaleedkii mujaahidiinta ee ku dhisnaa "Difaacyo laysku horfadhiyo" taasi bedelkeedna dagaalku wuxuu isku rogay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bartamihii sanaddii 2011 magaalada Muqdisho uga dhawaaqday in isbedel ay ku sameysay qaab dagaaleedkii mujaahidiinta ee ku dhisnaa "Difaacyo laysku horfadhiyo" taasi bedelkeedna dagaalku wuxuu isku rogay ku dhufo oo ka dhaqaaq. 2

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa gumeysiga Itoobiya waxay qabsanayeen magaalooyin iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo mujaahidiintu maamulayeen.

Cadawga Afrikaanta ayay muddo sedax sanadood ah ku qaadatay in ay qabsadaan Muqdisho illaa iyo Baraawe oo shabeelaha hoose katirsan halka mujaahidiintu ay adeegsanayeen qaab dagaaleedka u wanaagsan awoodda daciifka ah una daran awoodda nidaamiga ah.


Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo khubaro melleteri ayaa saadaaliyay in Al Shabaab ay bilaha soo socda wax weyn ka bedeli doonto qaab dagaaleedka maadaama uu dhammaad ku dhaw yahay qorshihii ay cadawga u dejisay sedax sanadood ka hor.

Inkastoo cadawgu uusan wali wada qabsan magaalooyinka iyo degmooyinka ay Mujaahidiintu maamulaan hadana waxaa muuqata in 80% uu ku dhacay dabinkii loo dhigay oo ahaa in ciidankiisa uu fidiyo kadibna wooddiisu wiiqanato.

Siyaasiga Xasan Nuur oo waxbadan usoo joogay isbedellada siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in xilligan ay shabaabul Mujaahidiin heystaan fursad ay ku naafeyn karaan shisheeyaha Afrikaanta ah.

"Runtii Al Shabaab waxay heystaan fursad ay dhabarka uga jebin karaan Calooshood ushaqeystayaasha AMISOM,awoodda shisheeyaha waxay daadsantahay min cadale illaa Baraawe mana awoodaan in meel walba ay ciidan dhigaan sidaasi daraadeed waxay ilatahay in shabaabku qaadi doonaan olole dagaaleed lagu ciribtirayo maleeshiyaadka soomaalida si AMISOM gabaad ama carra tuur uweyso”ayuu yiri Xasan Nuur.

Miisaaniyadda dhaqaale ee maalin walba ku baxda AMISOM ayaa boqolaal kun oo dollar ah mana siiwadi karaan dagaalka sababtoo jeebka wadamada reer galbeedka ayaa sii maranaya sida ku cad qorshaha Q.Midoobe.

Ciidanka Al Shabaab quwadda ugu weyn oo ay ku dagaalamayaan ayaa ah quwadda iimaaniga magaalo Itoobiya ama AMISOM qabsato murugo sidaasi uweyn kuma hayso waxayna rumeysanyihiin in maalin uun dhulka soomaaliyeed laga xureyn doono gumeystaha.

Tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii maxmiyadda lagu geliyay soomaaliya sanaddii 2012 ayay isisoo tarayeen duullaanada ka dhanka ah shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah halka hoggaanka mujaahidiinta ay kororsadeen khibrado hor leh oo ku aadan qaabka loo wajahayo xamalaadka saliibiga ah.

"Hal sana iyo bar ayay ugu badnaa ciidamada Itoobiya sii joogi karaan Soomaaliya calooshood ushaqeystayaasha AMISOM iyana dalka waa ka bixi doonaan marka waa in dadka halganka wada ay adkeystaan ayna ku dadaalaan sidii midnimada loosii adkeyn lahaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Nuur.

Xarakada Al Shabaab oo sanado ka hor ku biirtay mujaahidiinta Al Qaacidda ayaa halganka dalka ka socda ka qeyb gelisay qabaa’illada soomaaliyeed taasi oo keentay in cadawga lagu go’doomiyo qaar katirsan magaalooyinka uu qabsaday degmooyin ay kamid yihin Xudur,Waajid,Tayeegloow,Buula Barde,Ceelbuur iyo Qansaxdheere ayaa shisheeyaha lagu go'doomiyay waddooyinka ayay mujaahidiintu ugalaan gaadiidka Afrikaanta taasi oo qasab ka dhigtay in dhanka hawada ay isticmaalan.

Soomaali badan ayaa latacaadufay mujaahidiinta kadib markii ay arkeen nolosha macaan ee laga helaya ku dhaqanka shareecada Islaamka sida ammaanka iyo caddaaladda.

Related Items