Al Shabaab oo si yaab leh Askar Itoobiyaan ah ugu dishay duleedka Waajid.

Saturday February 08, 2020 - 21:03:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo si yaab leh Askar Itoobiyaan ah ugu dishay duleedka Waajid.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku dilay ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo Itoobiyaan ah
Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku dilay ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Waajid ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay toogasho ku dileen 2 askari Itoobiyaan ah waxayna ka furteen hubkii ay wateen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in meel aan ka fogeyn degmada Waajid ay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ku weerareen ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay baxsad ahaayeen iyagoo ka goosanayay saldhigga ciidamada Itoobiya ee garoonka diyaaradaha Waajid.


Xoogaga weeraray ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa gacanta ku dhigay laba qori nuuca shiishka ee Shaam shuutarka loo yaqaan iyo qori AK47 ah, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen firxad kadib markii lagu adkeeyay go'doominta dhanka dhulka ah ee Al Shabaab ay kusoo rogtay Waajid.

Askarta galabta lagu dilay gobolka Bakool ayaa  damacsanaa in ay lug ku aadaan dhanka Itoobiya balse Al Shabaab oo dhaq dhaqaaqooda la socday ayaa wadada ugalay oo adduunka dhaafiyay inta aysan dalkoodi dib ugu laaban.

Khubarada Melleteriga ayaa firxadka ay bilaabeen melleteriga Itoobiya ee gobolka Bakool ku sifeeyay guul darro weyn oo Itoobiyaanka gaartay kadib markii lagu dhiig bixiyay dagaalka 8 sana jirsaday ee ay gobolka uga jiraan.

Magaalooyinka Xudur iyo Waajid oo ciidamada Itoobiya ay ka joogaan Bakool waxaa lagusoo rogay go'doomin raagtay mana jirto cid magaalooyinkaas dhanka dhulka ku geli karta taas oo xaalad nafsaani daran ah ku reebtay ciidamada shisheeye.


Related Items