Maxaa lagu gorfaynayaa Shirka 33aad ee Ururka Midowga Afrika uga furmay dalka Itoobiya [Warbixin].

Sunday February 09, 2020 - 10:53:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa lagu gorfaynayaa Shirka 33aad ee Ururka Midowga Afrika uga furmay dalka Itoobiya [Warbixin].

    Magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii 33aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha Ururka Midowga Afrika iyo dowladaha reergalbeedka ee taageerada siiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii 33aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha Ururka Midowga Afrika iyo dowladaha reergalbeedka ee taageerada siiya.


Shirkan oo ay goob joog ka yihiin hoggaamiyaal iyo wufuud heer wasiir ah ayaa lagu qaadaan dhigayaa arrimaha ka aloosan qaaradda Afrika, shirka sanadkan waxaa loo asteeyo arrimaha Liibiya iyo mandiqadda Saaxilka galbeedka Afrika.

António Guterres oo ah xoghayaha guud ee waxa loogu yeero Q.Midoobay oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa ku baaqay in si degdeg ah xal looga gaaro dagaalka sokeeye ee ka holcaya wadanka Liibiya.


Muusa Fiki oo ah guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in ciidamo Afrikaan ah loo diro dalka Liibiya si ay gacan uga geystaan joojinta dagaalka halkaas ku dhaxmaraya dagaal oogayaasha talada isku haya balse soo jeedintiisa wax soo dhoweyn ah kama helin dowladaha Yurub ee maalgeliya Midowga Afrika.

Arrimaha kale ee shirka Addis Ababa lagu gorfaynayo waxaa kamid ah dagaalka jihaadka ah ee ka holcaya mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika gaar ahaan Maali iyo Burkina Faso.

Wakiillo ka socday Midowga Yurub iyo Q.Midoobay ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika in ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo ladagaallanka jamaacaadka Jihaadiga ah.

Dowladaha Saaxilka Afrika oo lafdhabar u ah Ururka AU ayaa ka sheeganaya weeraro aan kala joogsi laheyn oo ay kala kulmayaan xoogaga Jihaadiga ah ee ku xiran Ururweynaha Al Qaacidda.


Related Items