Shil dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Dirirdhabe.

Sunday February 09, 2020 - 11:33:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Dirirdhabe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo dad badan ku dhinteen kaas oo ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaaligalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo dad badan ku dhinteen kaas oo ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaaligalbeed.



Wararka ka imaanaya magaalada Daridhabe oo ka tirsan dhulka Somaligalbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya waxay sheegayaan in duleedka deegaankaas uu ka dhacya shil gaari.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo gaari Bas ah oo dad fara badan oo rakaab ah ay la socdeen iyo gaari Xumuul ah kaas oo shixanado kala duwan siday.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay 16 ruux waxaana ku dhaawacmay 12 ruux kuwaasi oo Shan ka mid ah la xaqiijiyay in ay dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah waxaana lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Dirirdhabe.



Deegaannada dhulka Soomaaligalbeed ayaa kamid ah meelaha ugu shilalka badan gobollada ay Xabashida Itoobiya gummeysato waxaana loo aanaynayaa waddooyinka oo burburso.



Related Items