Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan oo Weerar Madaafiic ah lakulmay.

Monday February 10, 2020 - 09:52:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan oo Weerar Madaafiic ah lakulmay.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay halkaas ku leeyihiin, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 madfac lagu weeraray Itoobiyaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo ku hoobanaysa saldhigga ciidamada Itoobiya balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarkaas ka dhashay.

Ma ahan markii ugu horraysay ee xoogaga Al Shabaab ay weeraraan saldhigyada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan oo kamid ah meelaha ay Xabashidu uga suganyihiin gobolka Hiiraan.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.
 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items