Iska hor'imaadyo iyo qarax Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo Marka.

Monday February 10, 2020 - 09:01:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaadyo iyo qarax Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo Marka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Sh/Hoose iyo Banaadir ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Sh/Hoose iyo Banaadir ee dalka Soomaaliya.


Xalay fiidkii ayay xoogga Al Shabaab weeraro ku ekeeyeen saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda uga suganyihiin deegaannada Lambar60, Ceelsaliini iyo Marka.

Wararku waxay sheegayaan in muddo daqiiqada ah ay halkaas ka dhacayeen iska hor'imaadyo culus balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay sababa laxiriira xilliga oo habeen ahaa..

Dhinaca kale ugu yaraan hal askari ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax miino lala helay gaari Cabdi Bile ah xilli uu ku socdaalayay degmada Dharkeynleey ee galbeedka Muqdisho.


Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.



Related Items