Sawirro: Dowladda Itoobiya oo sidii madaxweyne dal madax banaan usoo dhowaysay Muusi Biixi Cabdi.

Monday February 10, 2020 - 12:06:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladda Itoobiya oo sidii madaxweyne dal madax banaan usoo dhowaysay Muusi Biixi Cabdi.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale muujisay aqoonsiga ay uhayso maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ee kajira gobollada waqooyi galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse biixi ayaa si heer sare ah loogusoo dhoweeyay Addis Ababa.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale muujisay aqoonsiga ay uhayso maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ee kajira gobollada waqooyi galbeed dalka Soomaaliya.


Xalay fiidkii waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ka degay Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Somaliland'.

Wafdiga Muuse Biixi waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Addis kusoo dhoweeyay Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Itoobiya Ninka lagu magacaabo Aklilu Hailemichael.

Itoobiya ayaa Muuse Biixi usamaysay dhammaan maamuuska loo sameeyo madaxweyne dal madax banaan, hoggaamiyaha Somaliland waxaa loo goglay roogga cas ee madaxweynayaasha loo dhigo marka ay garoomaha kasoo degayaan.




Sawirro ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa muujinayay Muuse Biixi oo lagu gelbinayo gaari nuuca raaxada ah oo lasuray calanka maamulka 'Somaliland' sidoo kale Muuse Biixi ayay Itoobiya u ogolaatay askari kamid ah ilaaladiisa khaaska ah.

Tallaabadan ay qaadda dowladda Itoobiya waxay imaanaysaa xilli Farmaajo uu booqasho ku joogo magaalada Addis Ababa waxaana muuqata in gummeysiga Itoobiya uu hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida kula dhaqmayo siyaasadda Qeybi oo xukun.

Itoobiya ayay qunsuliyado uga furanyihiin magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa iyadoo umuuqata in ay kala daadihinayso maamullada iyada taabacsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

dowladda Federaalka ayaa sanaddii lasoo dhaafay iclaamisay in ay cilaaqaadka ujartay dowladda Gini ee galbeedka qaaradda Afrika kadib markii madaxweynaha wadankaas uu maamuus madaxtinimo usameeyay Muuse Biixi waxaa isweydiin mudan Farmaajo muxuu xiriirka ugu jari waayay Itoobiya?.


Related Items