Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar gaadiid lagu gubay oo ka dhacay Lamu.

Monday February 10, 2020 - 12:26:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar gaadiid lagu gubay oo ka dhacay Lamu.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar xooggan oo shalay shaqaale Ajaanib shiinays ah lagula beegsaday lagula beegsaday gobolka Lamu ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar xooggan oo shalay shaqaale Ajaanib shiinays ah lagula beegsaday lagula beegsaday gobolka Lamu ee dalka Kenya.


Weerarka oo ka dhacay inta udhaxaysa deegaanda Hindi iyo Mala Hooy ayaa sababay in lagubo laba gaari oo ay laheyd shirkad dhanka dhismaha qaabilsan kuwaas oo kala ahaa Wiish iyo booyad.

Taliska ciidanka Al Shabaab wuxuu sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel ku dhow saldhigga Camp Simba ee ciidamada Mareykanka uga suganyihiin gacanka Manda Bay dalka Kenya.



Irungu Macharia oo ah taliyaha booliska gobolka Lamu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dagaal lagaleen xoogag katirsan Al Shabaab, wuxuu carabaabay in ragga weerarka qaaday ay gubeen 2 gaari oo qeyb ka ahaa mashruuca dhismaha ee dowladda Kenya gacanta ku hayso.

Weerarkan ayaa imaanaya bil kadib markii uu dhacay weerarkii askarta Americanka ah lagu laayay ee ka dhacay isla gobolka Lamu.


Related Items