Askari Boolis ah oo lagu dilay Wadada Shaqaalaha iyo dil ka dhacay galbeedka Muqdisho.

Monday February 10, 2020 - 21:02:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Boolis ah oo lagu dilay Wadada Shaqaalaha iyo dil ka dhacay galbeedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.


Maanta gelinkii dambe ayay xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab waxay isgoyska shaqaalaha ee wadada Makka Al Mukarrama ku dileen askari katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dharaa cad ku dhiiradeen in ay laamiga isgoyska shaqaalaha ku toogtaan askariga kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa deegaanka Weydoow ee galbeedka Muqdisho ku dilay askari katirsan ciidamada melleteriga DF, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka geystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.


Related Items