Kenya oo si Jeesjees ah Uga hadashay dalabkii DFS Ee C/rashiid Janan.

Tuesday February 11, 2020 - 09:27:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo si Jeesjees ah Uga hadashay dalabkii DFS Ee C/rashiid Janan.

    Xukuumadda Nairobi waxay markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dalabkii Dowladda Federalka ee ahaa in loo soo gacan galiyo C/rashiid Janan Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo dhawaan ka baxsaday xabsi guri ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay Dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Nairobi waxay markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay dalabkii Dowladda Federalka ee ahaa in loo soo gacan galiyo C/rashiid Janan Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo dhawaan ka baxsaday xabsi guri ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay Dowladdu ku heysay.


Macharia Kamau oo ah Xoghayaha Wasaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan xukuumaddoodu awoodin go’aan ka gaarista qadiyadda ninka la doon doonayo.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in arrintan kafal celinteeda ay leeyihiin oo kaliya saraakiisha ciidamada ammaanka iyo hay’ado kale. "Arintan gacanteenna kuma jirto waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo in ay wax ka ogyihiin oo ah ciidamada ammaanka” ayuu yiri, Kamau.


Wargeyska ayaa soo sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland uu deggan yahay hoteel ku yaalla magaalada Mandera, halkaasoo ay ku waardiyeeyaan ciidamo Kenyaan ah oo loo xil saaray amnigiisa.

Janana ayaa isaga kala goosha Mandheera iyo Baladxaawo, halkaasoo ay xiisad ka taagan tahay, suura galna ay tahay iney ku diriraan ciidanka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay.

Dhawaan war kasoo baxay DF, waxaa Inter-bol, looga dalbaday iney soo gacan galiyaan Janan oo 28-kii bishii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsigii lagu hayay, kadibna sida uu sheegay doon ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu isla markiiba uga sii safray Kenya.

Dhanka kale maamulka Mandheera ayaa shalay sheegay in aysan raali ka ahayn joogitaanka C/rashiid Janan oo ay ku tilmaameen mid caqabad ku ah magaalada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya in dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay iska hor keenayaan maamulada DF iyo Jubbaland oo ay la kala safan yihiin, waxaana xusid mudan in C/rashiid Janana oo shalay kasoo muuqday degmada Baladxaawo isagoo hanjabaya.

Xaaladaha ka taagan Gedo ayaa kamid ah miraha qaraar ee ka dhashay Federaalisimka qabyaaladaysan iyo kala qoqobka wadanka, tan oo faa’iido u ah labada dowladood ee xuduud beenaad yada la wadaaga Soomaaliya.


Related Items