Farmaajo oo Midowga Afrika Ka Codsaday in Soomaalida hubka laga Dhigo AMISOM-na la xoojiyo!

Tuesday February 11, 2020 - 09:32:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Midowga Afrika Ka Codsaday in Soomaalida hubka laga Dhigo AMISOM-na la xoojiyo!

    Madaxweynaha Dowladda Federalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo todobaadkan lagu qabtay magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa dalbaday dhowr waxyaabood oo ay kamid tahay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo todobaadkan lagu qabtay magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa dalbaday dhowr waxyaabood oo ay kamid tahay in soomaalida lagu sameeyo hub ka dhigis.


Hadal jeedintiisu waa ay ka duwanayd madaxda kale ee qaaradda sababtoo ah isagu wuxuu u muuqday nin uu culays badan heysto una baahan in garab laga siiyo ammaanka iyo dhaqaalaha.

Waxyaabaha uu sida aadka ah u codsaday waxaa kamid ah arrinta hub ka dhigist "waxaan rabaa in aan adkeeyo in ay Soomaaliya tusaale fiican u tahay in qoryaha la dhigo” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha DF, ayaa durbadiiba markii la doortay horay ka billaabay dardar galinta mashruuc hub ka dhigis ahaa oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho loona xil saaray Sambaloolshe oo markaa ahaa Taliyihii Nabad Sugiddi kaasoo ku fashilmay hawshaas.


Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda wadamada Afrika u soo bandhigay sida ay Soomaaliya u tahay barwaaqa sooran isagoo ku dhiira galiyay in ay ka faa’iideystaan.

"Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” sidaas waxaa yiri Farmaajo.

Tan iyo markii uu Madaxweynuhu uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya u saxiixay afar Dekedood oo ay Soomaaliya leedahay waxaa ka muuqanaya walwal ku saabsan sidii ficil loogu badali lahaa saxiixaas maadaama Soomaalidu hubeysan tahay, dhinaca kalana dalka ka jiraan Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinaca kale ilo wareedyo ku sugan magaalada Adis-ababa oo magacooda u qariyay sababo ammaan ayaa inoo sheegay in Farmaajo uu xukuumadda Abey, ka dalbaday iney gacan weyn ka siiso ol’olaha ka socda qeybo kamid ah Gedo oo uu ku doonayo inuu uga qabsado maamulka Jubbaland.


Related Items