Gacan ku dhiiglayaashii dilay Caa'isho Ilyaas oo lagu toogtay magaalada Boosaaso.

Tuesday February 11, 2020 - 12:21:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan ku dhiiglayaashii dilay Caa'isho Ilyaas oo lagu toogtay magaalada Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay qaar kamid ah raggii falka kufsiga iyo dilka ah ugeystay Caa'isha Ilyaas oo kamid aheyd dadka degan magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay qaar kamid ah raggii falka kufsiga iyo dilka ah ugeystay Caa'isha Ilyaas oo kamid aheyd dadka degan magaalada Gaalkacyo.


Cabdi fataax Cabdi Raxmaan Warsame iyo Cabdi Shakuur Maxamed Dige ayaa la toogtay saaka sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay caa'sho ilyaas, warbaahinta ayuu u sheegay in goobtii dilku ka dhacayay uu isagu goobta ku sugnaa.

Saraakiisha maamulka isku magacaabay maamulka Puntland waxay sheegeen in nin kamid ah raggii gabadha wax ka dilay toogashadiisa dib loo dhigay illaa isbuuca dambe balse faah faahin kama bixin sababta dib loogu dhigay.


Fal dambiyeedkii lagu dilay Caa'isha Ilyaas oo sanadkii lasoo dhaafay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ka caraysiiyay bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana dhowr jeer laysku dayay in dambiilayaasha qaab damiin ah lagusii daayo


Related Items