Video: Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo dhulka soo dhigay Diyaarad uu lahaa nidaamka Bishaar Al Asad.

Tuesday February 11, 2020 - 13:39:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video: Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo dhulka soo dhigay Diyaarad uu lahaa nidaamka Bishaar Al Asad.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga kacdoonka ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo uu lahaa nidaamka Bishaar Al- asad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga kacdoonka ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo uu lahaa nidaamka Bishaar Al- asad.


Video lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinayay diyaarad nuuceedu yahay helicopter oo dhulka kusoo dhacaysa iyo xoogaga islaamiga Sunniga ah oo dul taagan burburkeeda.

Diyaaradda ayaa kusoo dhacday mandiqadda Al Nayrab oo katirsan Idlib halkaas oo ay ka socdaan dagaallo culus oo udhaxeeya xulufada Ruushka iyo nidaamka Al Asad oo isku dhinac ah iyo xoogaga kacdoonka sunniga ah.

Saraakiisha mucaaradka Suuriya waxay sheegeen in laba duuliye oo diyaaradda la socday ay ku dhinteen diyaaradda soo dhacday.


Hoos ka daawo Video



Related Items