Sarkaal Itoobiyaan ah "Soomaaliya iyo Itoobiya waa isku mid hal dal ayaanu nahay" VIEO.

Tuesday February 11, 2020 - 19:21:29 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Itoobiyaan ah "Soomaaliya iyo Itoobiya waa isku mid hal dal ayaanu nahay" VIEO.

    Markale dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku celisay in Soomaaliya lagu biiriyay dalweynaha Itoobiya taas oo ka dhigan in shacabka Soomaaliyeed gummeysi hor leh lageliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa sawir muujinaya sida Itoobiya uqabsanayso Soomaaliya
Markale dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku celisay in Soomaaliya lagu biiriyay dalweynaha Itoobiya taas oo ka dhigan in shacabka Soomaaliyeed gummeysi hor leh lageliyay.


Sarkaal sare oo katirsan melleteriga Itoobiya oo magaalada Dooloow ee gobolka Gedo kula hadlayay askar iyo saraakiil katirsan dowladda Farmaajo oo dhowaan halkaas lageeyay ayaa ka shanqariyay mowqifka rasmiga ah ee Itoobiya ay ka qabto Soomaaliya.

isagoo hadlayay ayuu yiri " Hal wadan ayaa nahay, askarigii horay halkaan u joogay iyo kuwii ka yimid Federaalka wax aan ku kala duwannahay ma jirto, mid ayaa nahay, hal calaamad ayaa u taagganahay dad kala gaar ah ma nihin, hal mid inaa noqono oo aan wada shaqeyno ayaa loo baahan yahay".


Muuqaalka sarkaalkan Itoobiyaanka ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ayaa caro ka dhax dhaliyay bulshada Soomaaliyeed ee gummeysi diidka ah.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa sanaddii 2018 ku dhawaaqay in Soomaaliya lagu biiriyay Itoobiya isagoo muwaadiniinta wadankiisa ugu bishaareeyay in mar aan dheerayn ay ushaqa tagi doonaan magaalada Muqdisho kuna manaafacsan doonaan Kheyraadka Soomaaliya dhax ceegaaga.

Halkan ka Daawo sarkaalka Itoobiyaanka ah ee Dooloow ka hadlay



Related Items