Video: Jeneraal Xijaar "Amniga dalka meel xun buu marayaa, Kaamirooyinkii in la qarxiyo ayaa la gaaray"

Tuesday February 11, 2020 - 20:19:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Jeneraal Xijaar "Amniga dalka meel xun buu marayaa, Kaamirooyinkii in la qarxiyo ayaa la gaaray"

    Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar oo ah taliyaha ciidamada booliska dowladda Farmaajo ayaa shaaciyay in ammaanku uu faraha ka baxay ayna guulaysan waayeen dhammaan isku dayadii ladoonayay in amniga lagu adkeeyo.

Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday mid kamida xarumaha dowladda ayuu ka shanqariyay in amni darrada ka taagan Muqdisho ay tusaale utahay qaraxyadii dhowaan lagu burburiyay Kaamirooyinkii ay Nabad sugiddu ku rakibtay wadada Makka Al Mukarrama.


Taliya Booliska ayaa niyad xumo ka muujiyay in amniga dalka Soomaaliya uu soo hagaago, dowladda Federaalka ah ayaa ah mid taak daran waxayna dalka soo gelisay ciidamo kumanaan shisheeye ah kuwaas oo gummeysi geliyay shacabka Soomaaliyeed balse waxay ciidamadaan dagaal iska caabin ah kala kulmayaan xoogaga jihaadiga Al Shabaab.


Hoos Ka Daawo Walaaca uu muujiyay taliyaha Booliska dowladda.


Related Items