Mareykanka oo Kenya Ka Furanaya Xarun Sirdoon oo Lagu Cadaadiyo Muslimiinta.

Wednesday February 12, 2020 - 10:30:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Kenya Ka Furanaya Xarun Sirdoon oo Lagu Cadaadiyo Muslimiinta.

    Dowladda Mareykanka oo ay masaalix badan ka yaallaan dalka Kenya, ayaa qaaday tallaabo ay Nairobi kaga sameysanayso xarun Sirdoon oo sida ay sheegtay qorshaheedu yahay (waxa loogu yeero) "La dagaalanka Argagixisada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka oo ay masaalix badan ka yaallaan dalka Kenya, ayaa qaaday tallaabo ay Nairobi kaga sameysanayso xarun Sirdoon oo sida ay sheegtay qorshaheedu yahay (waxa loogu yeero) "La dagaalanka Argagixisada"


Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka iyo Hay’adda FBI-da kuwaas oo marka laga yimaado danahooda gaarka ah Kenya kala shaqeynaya "Abuurista Howlgalka Wadajirka ah ee Argagixisada (Muslimiinta) oo markii ugu horraysay laga samaynayo meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Hadal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda USA ayaa waxaa lagu sheegay in hay’addan "JTTF” ay hogaamin doonaan Kenyanka, shaqadeeduna noqon doonto baaritaanada la xiriira ka hor tagga islaamiyiinta ku sugan gudaha Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi.


Qorshahan ayaa u muuqda mid ku dhisan degdegsiimo iyo laablakac sababtoo ah  waa mid lasoo hindisay kadib weerarkii Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadday xeradii Mareykanka ee Manda Bay gobolka Lamu halkaas oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidankooda.

Sidoo kale waxaa jira in weerarkii 14 Riverside oo dhacay January 16, 2019 uu kamid ahayd waxyaabaha walwalka ku keenay Mareykanka maadaama muwaadiniin dalkiisa ah lagu dilay.

FPI-du, waxay sheegtay in ay siminaar u furi doonto 42 baadhayaal Kenyan ah ayna siin doonto casharro ku saabsan (Waxa ay ugu yeertay) "Argagixisada” duruustaas oo ka bixi doonta Akadeemiyada FBI-da ee Quantico, Virginia, ka hor inta aaney hawlaheeda caadiga ah ka billaabin Nairobi.

Dowladda Kenya oo xoriyadda ka qaadatay Ingiriiska, sannadku markii ahaa 1963-dii ayaa la sheegaa ineysan heysan xorriyad dhab ah, maadaama hey’adaheeda dowliga ah oo dhan ay noqdeen kuwa ay sirdoonada Reer Galbeedku maamulaan.

Dalkooda waxaa haatan dhaqaale ahaan ugu loolamaya Shiinaha iyo Mareykanka, halka ciidankooda loo adeegsanayo dagaalka ka dhanka ah Soomaaliya oo aan haba yaraateen wax maslaxad ahi ugu jirin.


Related Items