Waali Cusub oo loo magacaabay Wilaayada Islaamiga Gedo [Dhageyso].

Wednesday February 12, 2020 - 11:26:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waali Cusub oo loo magacaabay Wilaayada Islaamiga Gedo [Dhageyso].

    Wilaayada Islaamiga Gedo ee dhacda Koonfurta Soomaaliya ayaa yeelatay Waali cusub waxaana bedelay waaligii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayada Islaamiga Gedo ee dhacda Koonfurta Soomaaliya ayaa yeelatay Waali cusub waxaana bedelay waaligii hore.


Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab ayaa loo magacaabay waaliga cusub waxaana lagu bedelay Sheekh Cabdi Raxmaan Abuu Maxamed oo sanadadii lasoo dhaafay soo maamulayay wilaayada Gedo oo ah wilaayada labaad ee ugu weyn dalka Soomaaliya.

Waaliga cusub oo kalimad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Gedo ayaa shacabka wilaayadaas ku dhaqan ku guubaabiyay in ay ka qeyb qaataan halganka lagula jiro ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga magaalooyin katirsan gobolka.


Sheekh Abuu Turaab ayaa xilli uu kalimad ka jeedinayay munaasabad dowro diini ah loogusoo xirayay beesha Dalxa wuxuu si qota dheer uga hadlay loollanka udhaxeeya Xaqa iyo baadilka ee ka socda dalka Soomaaliya.

Halkan ka degso Kalimadda Waaliga cusub ee Wilaayada Gedo MP3


Related Items