Maamulka Somaliland oo Qubuuraha Tog Wajaale Ka iibsaday Shirkado iyo Bulshadii Ka Dhiidhisay oo Xarig Lagu Billaabay!

Thursday February 13, 2020 - 09:43:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland oo Qubuuraha Tog Wajaale Ka iibsaday Shirkado iyo Bulshadii Ka Dhiidhisay oo Xarig Lagu Billaabay!

    Bulshada ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka Togwajaale ee gobolka Gabiley ayaa dhigay isku soo bax ay uga soo hor jeedaan qorshe maamulka Somaliland iyo kan degmadaba ay Xabaalihii magaalada kaga iibsadeen shirkado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka Togwajaale ee gobolka Gabiley ayaa dhigay isku soo bax ay uga soo hor jeedaan qorshe maamulka Somaliland iyo kan degmadaba ay Xabaalihii magaalada kaga iibsadeen shirkado.

Dadka ayaa wadooyinka isugu soo baxay iyagoo ku dhawaaqaya ineysan raali ka ahan in shirkado lagu wareejiyo dhulka qubuuraha oo kamid ah meelaha danta guud ee muhimka u ah bulshada.

Dadka ayaa waxaa ka dhex muuqday odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato, hase ahaatee saacado kadib markii ay mudaaharaadkooda dhammeysteen ayaa waxaa billowday hawl gal raaf ah oo ay sameeyeen ciidamada Booliska.

19 qof oo kamid ah dadkii dadkii hormuudka iyo indhaha u ahaa isku soo baxa ayaa xabsiga loo taxaabay sida uu saxaafadda u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Boliska degmada, wuxuuna ku goodiyay in ay ku daba joogaan dhammaan dadkii dibad baxa sameeyay.


Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa dhankooda sheegay in dhulkan looga faa’iideynayo bulshada (sida ay hadalka u dhigeen) waxaana durbadiiba xabaalaha ka billaabatay shaqada iyadoo gaadiid iska rogayaal ah geynayaan dhagxaan.

Wali waxaa aad u careysan bulshada magaalada Togwajeele lamana oga in maamulku tix galin doono cabashadooda iyo in kale.

Related Items