Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee dowladda Kenya gummeysato.
Howlgal gaar ah oo lagu khaarijiyay Sarkaal u shaqeeynayay Dowlada Kenya ayaa ka dhacay deegaan hoos yimaada magaalada Gaarisa ee dhulka N.FD ee Kenya xooga ku heysato.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Buullo Golo oo hoos timaada magaalada Gaarisa.
Weerarkan waxaan lagu dilay sarkaal katirsanaa sirdoonka dowladda Kenya oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano KPR islamarkaana ka howlgala dhulka NFD.
War lagasii daayay idaacadda Islaamiga Andalus ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen hubkii uu watay sarkaalka lagu dilay gobolka Gaarisa.
Tan iyo billaawgii sanadkaan ayay xoogaga Al Shabaab sare usii qaadeen weerarada ay ku beegsanayaan askarta iyo saraakiisha ciidamada dowladda Kenya, marmarka qaar ayay xoogagan jihaadiga ah beegsadaan Macalimiinta iyo shaqaalaha Kenyaanka ah ee ku sugan dhulka soomaalida NFD.
.
Sarkaal katirsan Sirdoonka Kenya oo lagu dilay deegaan katirsan gobolka Gaarisa.
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee dowladda Kenya gummeysato.