Al Shabaab oo Weerar xooggan ku qaaday dhismaha Wasaaradda G/dhigga Muqdisho.

Thursday February 13, 2020 - 20:58:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar xooggan ku qaaday dhismaha Wasaaradda G/dhigga Muqdisho.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar hubeysan ku qaaday mid kamida xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar hubeysan ku qaaday mid kamida xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka ay ku leedahay magaalada Muqdisho.


Caawa fiidkii ayay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin dhowr jiho ka weerareen xarunta wasaaradda G/dhigga halkaas oo ay ku suganyihiin saraakiisha ugu sarraysa ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay Garneello ku weerareen dhismaha kadibna ay rag hubeysan si toos ah ula dagaallameen ciidamadii ilaalada ka hayay dhismaha wasaaradda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta rasaas xooggan iyo qaraxyo balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka caawa lagu qaaday dhismaha wasaaradda G/dhigga ee Muqdisho.


Related Items