Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay madaxii Zaadka guutada 6aad ee ciidamada dowladda.

Saturday February 15, 2020 - 07:31:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay madaxii Zaadka guutada 6aad ee ciidamada dowladda.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubeysan ayaa shalay degmada Dayniile ku dilay Mas'uul sare oo katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay xaafadda Haanta dheer ku dileen Gaashaanlle dhexe Max'med Cabdulle oo ahaa madaxii zaadka guutada 6aad ee ciidamada dowladda.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay sarkaalka katirsan dowladda "Mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku dilay madaxii zaadka guutada 6aad ee ciidamada murtadiinta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa joogta ka ah 16ka degmo ee gobolka Banaadir waxaana muuqata in laamaha ammaanka dowladda ay ku guuldareysteen sugidda ammaanka.


Related Items