Mareykanka oo sheegay in uu heshiis hordhac ah lagaaray Taliban.

Saturday February 15, 2020 - 11:12:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay in uu heshiis hordhac ah lagaaray Taliban.

    Mas'uul sare oo katirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in heshiis hordhac ah ay lagaareen xarakada Jihaadiga Taliban ee ka dagaallanta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump ayaa doonayo in uu ciidamadiisa ka badbaadiyo Jaxiimada dagaalka Afghanistan
Mas'uul sare oo katirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in heshiis hordhac ah ay lagaareen xarakada Jihaadiga Taliban ee ka dagaallanta wadanka Afghanistan.


Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray qaabka ciidamada Americanka ah ay uga baxayaan wadanka Afghanistan oo muddo 19 sanadood ah ay duullaan ku joogaan.

Saraakiil American ah waxay sheegeen in Donald Trump uu mabda' ahaan ogolaaday in uu saxiixo heshiis ciidamadiisa uu uga saarayo Afghanistan balse marka hore loo baahanyahay heshiis xabad joojin ah oo dhigaya in 7 maalmood wax dagaal ah aysan ka dhicin Afghanistan.


Mas'uuliyiinta Americanka ah ee la hadlay wakaaladaha wararka waxay sheegeen in si hordhac ah ay Taliban kula heshiiyeen xabad joojin socan doonta muddo todobaad ah kadibna Trump uu qalinka ku duugi doono heshiis amraya in ciidamada Mareykanka ay uga baxaan Afghanistan muddo 18 bilood gudahood ah.

Wadahadallo aan loo kala kicin ayaa labada dhinac bilihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Dooxa ee wadanka Qadar waxaana xusid mudan intii wadahadalladu socdeen ay Taliban qaadday weeraro weeraro lagu dilay tobanaan askar American ah.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka Taliban oo ku saabsan heshiiskan hordhaca ah ee Mareykanku sheegay in laga gaaray dagaalka ka holcaya wadanka Afghanistan.

Related Items