Ciidamo katirsan dowladda oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho iyo Beled Weyne.

Saturday February 15, 2020 - 20:34:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan dowladda oo dad shacab ah ku dilay Muqdisho iyo Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo sheegay ay ciidamo katirsan dowladda Federaalka ka geysteen magaalooyinka Muqdisho iyo Beled Weyne ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ganacsade lagu dhaawacay Beled weyne
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo sheegay ay ciidamo katirsan dowladda Federaalka ka geysteen magaalooyinka Muqdisho iyo Beled Weyne ee dalka Soomaaliya.


Maanta duhurkii ayay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Melleteriga waxay agagaarka Isbitaalkii Xoogga ee degmada Hodon  ku toogteen nin darawal ka ahaa gaari Hoomeey ah oo arday udaabuli jiray goob wax barasho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askartu ay si bareer ah u toogteen Maxamed deeq Ibraahim oo kamid ahaa darawallada gaadiidka dadweynaha, ehellada ninka ladilay ayaa warbaahinta u sheegay in askartu ay xoog ku galeen gaariga kadibna ay darawalka ka dalbadeen in uu geeyo halka ay rabeen balse uu ka dhega adeygay.


Maxamed Deeq Ibraahim ayaa laba sana ka hor wuxuu ka yimid dalka Sacuudiga wuxuuna ahaa aabe qoyskiisa ugu shaqeeya gaarigiisa balse dhagar qabayaal manaxayaal ah ayaa maanta si gadarra ah udilay.

Dhinaca kale askari katirsan ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa buundada Liiq Liiqato ee magaalada Beled Weyne ku toogtay mid kamida ganacsatada gobolka Hiiraan.

Ganacsade magaciisa lagusoo gaabiyay Saalax ayuu dhaawac culus kasoo gaaray dhanka madaxa waxaana ladhigay isbitaalka weyn ee magaalada Beled Weyne, ciidamada dhibka geystay ayaa Mooto Bajaaj uu saarnaa ninka la dhaawacay waxay waydiisteen lacag balse markii loo diiday ayay rasaas ku fureen mootada.

Related Items