Kooxaha Xuuthiyiinta oo dhulka soo dhigay diyaarad ay laheyd dowladda Sacuudiga.

Saturday February 15, 2020 - 21:10:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Xuuthiyiinta oo dhulka soo dhigay diyaarad ay laheyd dowladda Sacuudiga.

    Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay laheed dowladda Sacuudiga ee qeybta ka ah isbahaysiga duullaanka ku qaaday wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay laheed dowladda Sacuudiga ee qeybta ka ah isbahaysiga duullaanka ku qaaday wadanka Yemen.


Afhayeen u hadlay kooxaha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay gantaal laheleen diyaarad weyn oo ay lahaayeen ciidamada cirka Sacuudiga xilli ay howlgal cadowtooyo ka wadday gobolka Aljowf ee xuduud beenaadka dhaca.

Dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa qiratay in diyaarad nuuceedu yahay Tornado loogasoo riday wadanka Yemen, Jeneraal Turki Al Maaliki oo ah afhayeenka isbahaysiga Carabta ayaa sheegay in xilligii diyaaraddu soo dhacaysay ay ku guda jirtay howlgal ay ku taageerayso wax uu ugu yeeray ciidanka Yemen.


Related Items