Qofkii ugu horreeyay oo qaaradda Yurub ugu dhintay Cudurka Carona.

Saturday February 15, 2020 - 21:59:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii ugu horreeyay oo qaaradda Yurub ugu dhintay Cudurka Carona.

    Wasaaradda caafimaadka dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in qofkii ugu horreeyay uu cudurka Carona Virus ugu dhintay wadankeeda taas oo ka dhigan in qofkii ugu horreeyay uu cudurkan ugu dhintay qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in qofkii ugu horreeyay uu cudurka Carona Virus ugu dhintay wadankeeda taas oo ka dhigan in qofkii ugu horreeyay uu cudurkan ugu dhintay qaaradda Yurub.


Dowladda Faransiiska waxay sheegtay in muwaadin dalxiise Shiinays ah oo isagoo Viruska qaba wadanka soo galay uu dhintay kadib markii ay dhaqaatiirtu ku guul darreysteen in ay cudurka ka daweeyaan.

Dhinaca dowladda Shiinaha waxay iclaamisay in dadka udhimanaya cudurka Carona ay gaareen 1524 qof dadkaas badankood waxay ku dhinteen gobolka Hubi ee dhaca bartamaha wadankaasi.

Maamulayaasha Shiinaha waxay xaqiijiyeen in dadka uu cudurkan soo ritay ay ka badan yihiin 66 kun oo qof, arrimaha layaabka leh waxaa kamid ah in 6 kamid ah mas'uuliyiintii caafimaadka ee loo xilsaaray latacaalidda cudurka Carona uu cudurku dilay halka 1700 qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin ay cudurka la ildaranyihiim.


Related Items