Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamo katirsan Koonfur Galbeed oo duleedka Baydhabo ka dhacay.

Saturday February 15, 2020 - 22:11:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamo katirsan Koonfur Galbeed oo duleedka Baydhabo ka dhacay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka isku magacaabay 'Koonfur Galbeed'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa maamulka isku magacaabay 'Koonfur Galbeed'.


Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay maleeshiyaad katirsan maamulka 'Koonfur Galbeed' xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanka Daynuunaay iyo magaalada Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan oo ka dhacay wadada laamiga ah uu sababay dhimashada 1 askari iyo dhaawaca tira kale.

Dhinaca qarax xooggan ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada maamulka Koonfur galbeed uga sugnaayeen gudaha magaalada Baydhabo balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.


Related Items