Dab Khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay Warshad ku taalla duleedka Muqdisho.

Sunday February 16, 2020 - 10:45:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay Warshad ku taalla duleedka Muqdisho.

    Dabkan ayaa xalay ka kacay Warshad ku taalla degaanka Garas-Baalley ee duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabkan ayaa xalay ka kacay Warshad ku taalla degaanka Garas-Baalley ee duleedka magaalada Muqdisho.


Warshadda uu dabku ka kacay ayaa waxay caan ku tahay sifeynta iyo nadiifinta biyaha waxaana dabkan uu billowday abaaro saacaddu markey ahayd 7-dii fiidnimo (halkii saac)

Dabka oo ku billowday si tartiib ah ayaa si degdeg ah ugu fiday qeybo badan oo warshadda kamid ah taasoo baqdin ku abuurtay dadka ka ag dhow, qaarkoodna ku khasabtay in ay barakacaan.

Warshadda biyaha Zamzam  waxaa usoo gurmaday dad badan iyo gaadiid Dab damis ah, inkastoo ciidamada DF-ka ay xireen waddooyinkii lagasoo galayay laguna dhibtooday sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ah.


Abaaro 11:00 habeennimo (shantii saac) ayaa lagu guuleystay daminta damba mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo uu geystay inkastoo uu gubay hanti badan oo aanan wali tirakoob rasmi ah lagu sameyn.

Xilliyada jiilaalka oo ay jiraan dabayllo xooggan ayaa waxaa aad u sahlan in gubashada guryaha iyo xarumaha ganacsiga, haddii aanan laga taxadarin dabka wax lagu karsado ee ka ag dhow, sigaarka lagu cabo iyo korontada.


Related Items