Video: Farmaajo oo qiray in Dowladdiisu Kaalinta Koowaad ka gashay Musuqa Caalamka Sedaxda Sano Ee Uu isagu Madaxweynaha yahay.

Sunday February 16, 2020 - 10:53:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Farmaajo oo qiray in Dowladdiisu Kaalinta Koowaad ka gashay Musuqa Caalamka Sedaxda Sano Ee Uu isagu Madaxweynaha yahay.

    Madaxweynaha DFS-ka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay si aan ka leex leexad lahayn u qiray in dowladdiisu tahay tan ugu musuqmaasuqa badan dowladaha caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha DFS-ka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay si aan ka leex leexad lahayn u qiray in dowladdiisu tahay tan ugu musuqmaasuqa badan dowladaha caalamka.


Isagoo u waramayay TV-ga Universal ayuu sheegay in ay jirto arrintaas sababtuna tahay nidaamka dowladda iyo dadkeeda oo aanan u diyaarsanayn habkii loogu tala galay (waa sida uu hadalka u dhigaye).

Arrin ceeb ah ayuu ku tilmaamay in sannad walba ay dowladdu noqoto midda ugu musuqa badan dunida "Runtii waa arrin aad u fool xun oo aad u xun weeye haddii mar walba laguugu sheegayo in aadan aamin ahayn oo laguugu sheegayo in dowladdaadu iyo dadkaagu ay yihiin dad tuugo ah wax aad u xun weeye” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


Wuxuu intaa ku daray in uusan jirin sharci celinaya maadaama sida uu yiri uu aad u liito nidaamka dowliga ah, dhanka kale wuxuu tilmaamay in ay haatan dagaal kula jiraan musuqmaasuqa iyo dhaca ay golayaasha dowladdiisu ku hayaan hantida dadweynaha.

Hey’ado caalami ah oo sheega in ay la dagaalamaan musuqmaasuqa islamarkaana ay kamid tahay Transparency International ayaa sadaxdii sano ee ugu dambeeyay DF-ka  ku xukumay in ay meel sare ka gaartay lunsashada hantida dad weynaha, kadib baaritaan xeel dheer oo ay sameeyeen, iyadoo dowladduna qiratay.



FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items