Qarax Dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay degmada Dharkaynleey.

Sunday February 16, 2020 - 11:34:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay degmada Dharkaynleey.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax hor leh oo lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax hor leh oo lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maanta barqadii ayaa jugta qarax aad u xooggan laga maqlay xaafadda Xoosh ee degmada Dharaynleey halkaas oo ay ku xoogganyihiin ciidamada dowladda qeybahooda kala duwan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ciidamada dowladda la socdeen, ugu yaraan sedax askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay, wararka ayaa intaas ku daray in gabi ahaanba gaariga qaraxu beegsaday uu goobta ku gubtay.


Qaraxyada iyo dilalka lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa joogta ka ah inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana mas'uuliyadan weeraradan sheegta Al Shabaab.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items