Weeraro Sawaariikh ah oo lagu qaaday Saldhigga Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

Sunday February 16, 2020 - 11:45:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Sawaariikh ah oo lagu qaaday Saldhigga Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale sawaariikh lagu weeraray dhismayaal melleteri oo dowladda Mareykanka ay ku leedahay gudaha magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale sawaariikh lagu weeraray dhismayaal melleteri oo dowladda Mareykanka ay ku leedahay gudaha magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.


Ilo wareedo dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in sawaariikh dhowr ah lagu weeraray mandiqadda Khadka cagaaran oo ay kuyaallaan saldhigyo melleteri iyo dhismayaasha safaaradaha dowladaha reer galbeedka.

Wariyaal ku sugan Baqdaad waxay sheegeen in sawaariikhda lala helay saldhig melleteri oo kaabiga ku haya dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, wararka qaar ayaa sheegaya in sawaariikhdu sababeen gubasho soo gaartay saldhigga ciidanka Mareykanka.


Mas'uul katirsna melleteriga Mareykanka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in in qaraxyo ka dhashay sawaariikhda ay gilgileen dhismayaasha kuyaal mandiqadda Khadka cagaaran ee magaalada Baqdaad.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli kooxo Shiico ah oo xiriir laleh dowladda Iiraan ay ku hanjabeen in ay beegsan doonaan dhammaan danaha Mareykanka ee wadanka Ciraaq oo ay kamid yihiin saldhigyo melleteri.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items