Guddoomiyaha Golaha Guurtida 'Somaliland' oo diiday in Farmaajo lagusoo dhoweeyo Hargeysa.

Sunday February 16, 2020 - 17:40:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida 'Somaliland' oo diiday in Farmaajo lagusoo dhoweeyo Hargeysa.

    Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya martiqaad uu hoggaamiyaha maamulka Somaliland ufidiyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya martiqaad uu hoggaamiyaha maamulka Somaliland ufidiyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka.


Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wasiirrada maamulka 'Somaliland' ayay cod aqlabiyad leh ku aqbaleen in R/wasaaraha Itoobiya oo gelbinaya Farmaajo ay ka degaan garoonka diyaaradaha Cigaal.

Muuse Biixi ayaa ka codsaday golaha wasiirrada maamulkiisa in ay meel mariyaan qorshahan si uu ufuliyo ballanqaad uu Addis Ababa kusoo siiyay R/wasaaraha Itoobiya oo ahaa in Farmaajo lagusoo dhoweeyo Hargeysa.

Wararka ku saabsan tagitaanka Farmaajo ee gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya waxaa si adag udiiday mas'uuliyiin katirsan maamulka 'Somaliland', Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa si kulul ugasoo horjeestay in madaxweynaha dowladda Federaalka uu Hargeysa tago.


Saleyman Gaal oo ah guddoomiyaha golaha Guurtida oo udhigma gole baarlamaan ayaa isna diiday in Farmaajo tago Hargeysa.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay doonayso in hoggaamiyaasha dabadhilifyada ah ee ay Soomaaliya ku leedahay ka saxiixan doonto heshiisyo hor leh oo ay ku boobayso kheyraadka dhax ceegaaga barriga iyo badda dalka.

Farmaajo ayaa sanadadii lasoo dhaafay socdaallo isdaba jooga ah ku tagayay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa waxaana socday shirar ay Itoobiya iyo Ereteria ugu gogol xaarayaan in Soomaaliya lagu biiriyo labadan dowladood.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items